Iska Hor Imaad u Dhaxeeyay Ciidamadda DFS iyo Koox Hubeysan oo Muqdisho Ka Dhacay

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad khasaare dhaliyay oo Ciidamadda booliska Dowladda Soomaaliya iyo koox hubeysan xalay ku dhexmaray Magaalada muqdisho.

Iska hor imaadkaan ayaa ka dhacay rugta khudaarta oo ku taal waaxda Taleex ee degmada Hodan ee Gobolka banaadir.

Taliye ku-xigeenka booliska, Jen. Zakiya Xuseen Axmed  oo iska horimaadka ka warbixisay waxaa ay sheegtay inuu u dhaxeeyay koox burcad ah oo dad shacabka dhac u geysanayay iyo ciidanka booliska.

“Ciidanka booliska ayaa caawa howlgal ka fuliyay rugta khudaarta oo ku taal waaxda Taleex ee degmada Hodan kaddib marka ay shacabka ku soo wargeliyeen in labo nin oo burcad ah oo hubeysan goobtaas shacabka ku dhacaayay. Mid ka mid ah burcadka ayaa goobta lagu toogtay halka kalena uu fakaday.  Waxaa howlgalka ku dhaawacmay sarkaalka booliska rugta xukumay, sidoo kalena ku dhintay hal qof shacab ah.” ayay tiri Jen. Zakiya Xuseen Axmed .

Dhanka kale Taliye ku-xigeenka booliska, Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in ciidamadda Booliska ay gacanta kusoo dhigeen askari dad shacab ah shalay ku dhaawacmay Degmadda Holwadaag ee Gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.