Ingiriiska iyo Mareykanka oo Mukhtaar Rooboow Kasoo Badbaadiyay Khatartii Al Shabaab

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay ka dambeysay qorshihii Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), afhayeenkii Hore ee Al-shabaab isugu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya sanadkii 2017-kii aynu soo dhaafnay.

Wasiirka difaaca Dowladda ingriiska ninka lagu magacaabo Gavin Williamson oo la hadlay Wargeyska Independent ayaa sheegay in dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka ay Rooboow kasoo badbaadiyeen khatartii Al Shabaab.

Waxa uu sheegay in Labadda Dowladood ay dadaal ku bixiyeen sidii Muqtaar Roobow looga soo badbaadin lahaa Al-shabaab, oo xiligaas kula dagaalamayay Tuuladda Abal Degmadda Xudur ee Gobolka bakool.

Dhanka kale Wasiirka Difaaca Ingiriiska ayaa sheegay in uu baajiyay safar uu ku imaan Magaaladda Muqdsiho, sababo la xiriira Xariga Shiikh Roobow, oo dowladda Soomaaliya kasoo xirtay bishii December Magaaladda Baydhabo,xili uu kamid ahaa Musharixiintii doorashadda Madaxweynaha Koonfur galbeed.

Gavin Williamson Wasiirka Difaaca Ingiriiska ayaa isbuucii lasoo dhaafay booqasho qarsoodi ah ku tagay magaalada Hargeysa  ee Somali-land,halkaas oo uu kulan kula qaatay Madaxweynaha Somali-land Muuse Biixi Cabdi.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*