Indha Qarshe oo shaaciyay Xiliga Shabaab Dalka Laga Saarayo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa booqday jiida hore ee  dagaalka ay ciidamada Xoogga Dalka ay kaga sugan yihiin degaanada Buulo Gaduud iyo Baarsanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.

General Aadan Cilmi indhaqarshe ayaa mid mid waxa uu u kormeeray dhamaan dhufeesyada Ciidamada Xoogga Dalka isagoona halkaasi uu ku dhiira galiyay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degaanadii uu maanta Booqday.

Kusimaha taliyaha qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General  dhuumaal ayaa taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ugu warbixiyay xaalada nololeed iyo sida ay ciidamada Xoogga Dalka howlgalka ugu wadaan degaanada jubbaland.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe ayaa sheegay in dhawaan uu bilaaban doono howlgal Al-shabaab looga saarayo degmoyiinka Buaale Jamaame iyo Jilib

Sidoo kale general Indhaqarshe ayaa u mahaceliyay maamulka jubbaland sida wanaagsan ay howlgalada ciidamada ugu qeyb qaataan isagoona ciidamada xoogga dalka ugu mahadceliyay sida wanaagsan ay u xaqiijiyeen Amniga degaanada Baarsanguuni iyo Buulo gaduud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*