Imtixaanka Mideysan Ee Dowladda Soomaaliya oo Maanta Loo Fariisanayo

Kumanaan Arday Soomaaliyeed ayaa maanta oo isniin ah u fariisanaya Imtixaanaadka mideysan ee shahaadiga, kaasoo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in tirada guud ee ardayda imtixaanaadka u fariisanaya ay tahay In ka badan 31 Kun oo Arday, oo ku kala sugan gobolka Banaadir iyo afar dowlad-goboleed.

Ardayda maanta u fariisinaya imtixaanaadka mideysan ee Dugsiga Sare ayaa loo diyaariyay goobo kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaliya, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Imtixaanka  wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaalia ayaa fashil ku yimid markii ugu horeysay kadib markii goob kamid ah goobaha imtixaanka lagu qaadayo qish laga bixiyay waxayna taasi  keentay in dib loo galo imtixaanka sida wasiirka sheegay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.