IMF oo Dowladda Soomaliya Ka Caawinaysa Soo Daabicida Lacago Cusub

Hay’ada lacagaha aduunka ee IMF ayaa waxa ay sheegtay in soomaaliya ay kala qeyb qaadaneyso sameynta lacagaha cusub ee shilinka waxaana ay sheegtay intii lagu guda jiray dagaalada sokeeye ee dalka soomaaliya in lacagta shilinka qiimaheedu in uu hoos u dhacay.

Lacagta cusub ee shilinka soomaaliga ayaa waxa ay sheegtay hay’ada lacagaha aduunka ee IMF in inta lagu guda jiro sanadkan in ay xoojin doonto sidii lagu daabici lahaa si meesha looga saaro lacagihii duugoobay iyo waliba lacagaha been abuurka sidaas waxaa sheegay SAMBA THIAM oo ah u qaabilsanaha IMF ee soomaaliya.

Waxa uu intaa ku daray mar wareysi lagula yeeshay magaalada neirobi ee dalka Kenya in %98 lacagaha dalka laga isticmaalo in ay yihiin kuwo been abuur waxaana uu tilmaamay in lacagaha duugoobay ee hadda la’isticmaalo in ay yihiin kuwo la daabacay 1990-1991 taa oo uu ku timaamay in si qaabdaran loo naqshadeeyay.

Waxaana agaasimahan uu sheegay in bangiga dhexe ee soomaaliya in ay waxbadan ay ka’caawin doonto lacaga cusub hadii la daabaco isagoo sheegay in dib ay u soolabaneyso kaabayaasha dhaqaalaha dowlada taa oo waxbadan ka saacideysa siyaasada iyo waliba dhaqaalaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*