Ilmo Saacado Dhalnaa oo Laga Xaday Isbitaal Ku Yaala Muqdisho+Dhageyso

Ilmo yar oo saacado dhalnaa ayaa lagu xaday isbitaalka SOS Degmadda Heliwaa ee magaaladda muqdisho.

Awooha ilma yar ee la xaday Maxamuud Shiikh Cali Maxamed oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in gabadh isbitaalka shalay subax imaaday islamarkaana wadatay sida loo sheegay Baco ay kaga shakisan yihiin In ay xaday wiilka yar.

Waxa uu sheegay in hooyadda dhashay ay xanuun dareemeyso haatan,islamarkaana markii la xadayay  ay jiiftay.

Sidoo kale awoowaha ayaa sheegay in ay isbitaalka qeybihiisa kala duwan ay ka raadiyeen balse ay ka waayeen markii dambe.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka gobolka Banaadir ay ku wargaliyeen arintaan soo korartay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.