Howlgal Xalay Ka Dhacay Degmadda Hodan ee Magaaladda Muqdisho.

Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ka sameeyay Degmadda Hodan ee Magaaladda Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa si gaar ah kaga dhacay xaafada Taleex ee degmada Hodan,waxaana inta uu socday baaritaano lagu sameeyay goobaha Ganacsiga, Gaadiidka dadweynaha iyo guryo dhowr ah.

Ciidamadda Booliska Soomaaliya aaya howlgalka kusoo qabtay dhalinyaro fara badan,waxaana la iskugu geeyay goob fagaaro ah oo ku taalla Xaafada Taleex.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa sheegay in inta badan  lasii daayay dhalinyradii howlgalka lagu soo qabtay.

Howlgalkaan xalay ka dhacay Degmadda Hodan ee magaaladda muqdisho ayaa qeyb ka ah howlgalo maalmihii dambe laga sameynayay degmooyinka Gobolka banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.