Hir-shabeelle oo Ka Hor Timid Qodobo Kasoo Baxay Shir Ka Dhacay Muqdisho

Maamulka Hirshabelle ayaa ka hor yimid go’aano kasoo baxay shir ay Magaaladda muqdisho ku qabatay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Hir-shabeelle ayaa lagu qaadacay go’aanadda kasoo baxay shirka ka dhacay Muqdisho.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 15ka bisha Abril, 2019. Waxaa ka soo baxay wasaarada Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee Dowladda Federaarka ah, war murtiyeed lagu sheegay in dhamaan Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyadu ay laba maalmood ku lahaayeen magaalada Muqdisho kulan looga tashanayey fulinta mashruuca ka jawaabidda xilliga dhaw ee xaaladaha deg degga ah.

Dawlad Goboleedka HirShabelle waxay uga qeyb gashay shirkaa si niyad wanaag ah, iyadoo daneeyneysay in si cadaalad ah wax loogu qabto dhamaan dadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo dhibaatooyinka bani’aadamnimo saameeyeen. Waxaan isku daynay inaan si niyad sami ah u tilmaanno qaladaadka iyo caddaalad darada ku jirta barnaamijka lasoo bandhigay, wasaaradda Gargaarka ee heer Federaalkuna iska indhatirtay.

Abaaraha iyo dhibaatooyinka Bani’aadamnimo waxay saameeyeen dhamaan waddanka oo dhan waxaana loo baahan yahay in si caam ah loo wajaho. Waxaa nasiib darro ah in Wasaaradda Gargaarka ee heer Federaal soo badhigtay Barnaamij aan ku salaysneyn xaaladda dhabta ah ee bani’aadamnimo ee waddanka ka jirta.

iyadoo soo bandhigtay Barnaamij lagu takooraayo deggaano qaarkood sababo siyaasadeed iyo caadifad qabiil darteed. Haddaba waxay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, cadaynaysaa in aysan la qaadanin go’aamadii ka soo baxay kulankaas iyo arimaha ku saabsan mashruucaas.

Waxaan ugu baaqeeynaa Dowladda Federaalka ah in aan loo kala eexan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Waxan ugu baaqeeynaa Deeq bixiyeyaasha iyo dhamaan hay’adaha ka shaqeeya arimaha gargaarka inay masuul ka yihiin wixii cawaaqib xumo ah oo ka yimaada arrintaan, tixgeliyaanna mabda’a bani’aadamnimmo ee ah inaan dhibaato loo soo kordhin dad awelba tabaaleysanaa (DO NO HARM PRINCIPLE) Waxaan ugu baaqeeynaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer HirShabelle inay u gargaaraan walaalahooda dhibaateysan, dhamaanna isku tashadaan si loo xaliyo dhibaatooyinkahaysta.

Wa Billahi Towfiiq

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.