Hay’ado Gacan Ka Geysanaya Wax Ka Qabashada Abaaraha Ku Dhuftay Dalalka Geeska Afrika

Golaha qaxootiga Norway ayaa ku biiray 13-ka hay’adood ee gacanta ka geysanaya wax ka qabashada abaaraha sii xumaanaya ee ka taagan dalalka geeska Afrika.

Abaaraha dhawaanahanba ku dhuftay dalalka geeska Africa ayaa dadka u horseeday cunno la’aan iyo biyo yari aad  Baahsan taa oo saameysay  in ka badan 15 million oo qof oo ku nool Soomaaliya, koofurta itoobiya  waqooyiga iyo bariga Kenya kuwaa oo iminka  u baahan in la’gaarsiiyo caawinaad deg deg ah kadib markii Roobabkii  lafilanayay bilaha October iyo December iyo sanadkii 2016- aysan da’in.

Waxaa sidoo kale hay’adu sheegtay meelaha sida aadka u daran oo ay saameysay abaaraha in soomaaliya ay 1-kow ka tahay islamarkaana baahi aad u daran ay kataagantahay.

Dad aad u badan ayaa u baahan in noloshooda la’gacan qabto kuwaa oo doonaya gar-gaar bini aadanimo waxaana Golaha qaxootiga Norway iminka ay ku biireysaa 13-kamid ah hay’adaha ee  samafalka u fidinaya dadka ay saameysay abaaraha ku dhuftay Soomaaliya iyaga oo ka’jawaabaya baahidaasi taagan.

Abaaro iyo baahi  sidan oo kale ah ayaa sanadkii 2012-kii ku dhuftay Soomaaliya kuwaa oo wax yeelo kala duwan ay u geesatay nolosha 250,000 oo Soomaali ah.

Dowladaha, deeqbixiyaasha iyo beesha caalamka waa in hada ay wax ka’qabtaan badbaadinta Nolosha dadka ay saameysay abaaraha baahsan taa oo sababtay cuno la’aanta.

Waa laga hortagi karaa baahida laakiin waqtigu wuu soconayaa, xiligaan ayaa loo baahanyahay ka hortaga musiibada ku habsatay dadka ku nool dalalka dhaca geeska qaarada africa oo Soomaaliya ay ugu darantahay. sida golaha qaxootiga Norway ay sheegeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*