Haweeney Soomaaliyeed Oo Ku Geeriyootay Shil Ka Dhacay DalkaMareykanka +“Sawirro”

Wararka ka’imaanaya dalkaasi Mareykanka ayaa sheegaya in haweeney Soomaali Mareykanka ah ay ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay koofurta  Burlington ee Mareykanka.

Sarkaal sare oo katirsan ciidanka Booliska dalkaasi ayaa sheegay Haweeney Soomaali ah oo lagu magacaabo Lul Ali Gure ay kugeeri yootay shil gaari oo ay saarneyd kadib markii gaari kale uu kudhacay gaarigii ay saarneyd haweeneydaasi sidaasi waxaa xaqiijiyay Laamaha Boolika Dalkaasi.

Dhanka kale sarkaalka oo sii hadlayay ayaa carabaabay in Sacdiyo Ali oo 29 sano jir aheyd ay waday gaarigaasi ay kugeeri yootay haweyneydaasi soomaaliyeed isagoona sheegay in dhaawacii kasoo gaaray shilkaasi uu sababay dhimashada Lul Ali Gure oo 29 sano jir aheyd taa oo mudo kanooleyd Mareykanka.

Ciidamada dambi barista ee Mareykanka ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeyn Allison Conroe, oo 20 sano jir ah kaa oo la shegay in uu ahaa wadihii gaarigii sababay dhimashada haweyneydaasi soomaaliyeed kuwaa oo sheegay in ay wali soconayaan baaritaankooda ku’aadan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*