Haweeney oo Si Naxariis daro ah u Dishay Saygeeda Shabeelaha Dhexe+Dhageyso

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Haweeney Maseersaneyd ay dishay Saygeeda.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday Tuuladda la yiraahdo Caadley oo hoos timaada Degmadda Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in dhacdadaan ay dhacday xalay saqdii dhexe,islamarkaana haweeneyda ay falka u adeegsatay Toorey  oo qeybaha sare ay kaga dhufatay Ninkeeda gaar ahaan Wadnaha.

Waxa uu sheegay qofka kamid ah dadka  deegaanka in Haweeneyda iyo Seygeeda Mudooyinkii dambe uu khilaaf uu ka dhaxeeyay kaasi oo ku saleysnaa ninka oo aroosay Haweeney kale.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*