Halkee Laga Keenay 124 Maxaabiis Ah Oo Xalay Laga Soo Dajiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho + Sawirro

Diyaarad sida 124 qof oo Dawladda Soomaaliya ay kasoo deysay Xabsiyadda dalka Liibiya ayaa Xalay soo gaaray magaaladda Muqdisho, kuwaasi oo isugu jira Rag iyo Dumar, waxaana Wajiyadooda ka muuqday dhibaatooyin ay la kulmeen intii ay ku jireen xabsiyadda dalkaasi.

Waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho dhalinyaradaasi kusoo dhaweeyey Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan ka-hortagga Tahriibka iyo Xuquuqda Caruurta Marwo Maryan Yaasin Xaaji Yuusuf ayaa ugu mahad celisay sida Dawladda Soomaaliya ay xil isaga saartay soo deynta dhalinyaradaasi.

Wasiirka Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiir Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kamid ahaa Madaxdii soo dhaweysay Maxaabiista laga keenay Liibiya ay sheegay in dhalinyaradda looga baahanyahay in ay ka shaqeeyeen Horumarinta dalka.

Dawladda Soomaaliya ayaa ku Guuleysatay in boqolaal dhalinyaro ah ay ka soo deyso Dalalka Itoobiya, Indiya, Siishelis iyo Liibiya, waxaana ay sheegtay in ka shaqeyneyso siddii ay dalka ugu soo celin lahaayeen dhalinyaradda kale ee ku xiran dalka dibadiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*