Gudoomiyihii Maxkamadda Al-Shabaab ee Barriire oo Muqdisho Lagu Qabtay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamadda amaanka ay gacanta ku dhigeen madaxii Maxkamadda Al-Shabaab Deegaanka Barriire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ay baahisay warbaahinta Dowladda SONNA,Howlgal ay ciidamadda ka sameeyeen Magaaladda Muqdisho ayaa suura galiyay qabashadda sarkaalkaan shabaab u qaabilsanaa Maxkmadda Deegaanka Bariire.

Lama sheegin magaca Sarkaalka, balse laamaha ammaanka dowladda ayaa sheegay in Sarkalkaasi la soo qabtay.

Laamaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii dambe Muqdisho ka sameeyey howlgalo la sheegay in lagu qabtay Ragg Shabaab ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.