Gudoomiye Ku-xigeenka Degmadda Maxaas oo La Dilay+Dhageyso

Wararka ka imaanaya Degmadda Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in qarax Miino oo dhulka lagu aasay uu ka dhacay Degmadaas.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa lala eegtay Kolonyo uu la socday Gudoomiye Ku-Xigeenkii dhanka amniga iyo siyaasadda Degmadda Maxaaas Cabdi Rashiid Cismaan Carab.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmadda Maxaas oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay gaariga uu saarnaa Gudoomiye Ku-xigeenka,islamarkaana uu sidaas ku geeriyooday.

Maxamed Cabdi Cawaale Gudoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Degmadda Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in gudoomiyaha qaraxa gaariga loogu xiray.

Waxa uu sheegay in Ciidamadda Maamulka hir-shabeell iyo Kuwa Dowladda Jabuuti ay ku daba joogaan ragii ka dambeeyay Dilka Gudoomiye Ku-Xigeenkii dhanka amniga iyo siyaasadda Maamulka Degmadda Maxaas Ala Ha U Naxariiste Cabdi Rashiid Cismaan Carab.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.