Gudoomiyahii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan

Gudoomiye Cali Jeeyte Oo Sheegay Waxa Uu ku Diiday In Xilkii Laga Qaaday (Dhageyso)

Iyadoo maalintii shalay aheyd uu xilka gudoomiyaha gobalka Hiiraan la wareegay C/llahi Axmed Maalim, ayaa waxaa ka hor yimid in xilkii laga xayuubiyay Gudoomiyihii hore ee gobalkaasi Cali Jeyte Cusmaan.

Gudoomiyihii Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay inuusa raali ku aheen in xilkii la yiraahdo waa lagaa qaaday, isagoo markii hore u sheegay madaxda maamulka hirshabelle inuusa raali ku ahen sida wax ay u socdaan, balse markii uu maamulka dib ugu soo laabtay madaxweynaha Hirshabeelle Maxmed Cabdi Waare loo sheegay Cali Jeyte, in xilkii gudoomiyanimada gobalka Hiiraaan laga qaaday.

Cali Jeyte Cismaan oo sii hadlayay ayaa sheegay waxa la inaan la isku heysan xilka, balse la isku heysto hananka loo maro miisaaniyada loo qorsheeyay Ciidamada booliska nabad sugida iyo madaxda gobalka Hiiraan, maadaama uu Jeyte sheegay lacagta dhamaan iney ku dhacdo qashnada Maamulka Hirshabelle.

Halka Hoose Ka Dhageyso Codka Gudoomiyihii Hore ee Gobalka  Hiiraan Cali Jeyte

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*