Gudoomiyaha baarlamaanka Maamul Gobaleedka Galmudug Cali Gacal Casir

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo Ka Hadlay Mooshin Laga Keenay

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ka hor yimid Mooshin ay ka gudbiyeen Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Maamulkaas.

Waxa uu sheegay in sharci ahaan uusan Xildhibaano u aqoonsaneen kuwa Mooshin ka keenay ee dhuusamareeb ku sugan, sababao la xiriira qaabka ay ku yimaadeen.

Waxa uu  sharcidaro iyo Fowdo loo horseedayo Galmudug ku tilmaamay in isaga oo gudaha dalka ku sugan Kulanka Baarlamaanka uu shir gudoomiyo ku xigeenkiisa.

Dhanka kale Cali Gacal ayaa sheegay in Dowladda Dhexe ee Soomaaiya ay ku guuleysatay in la xaliyo khilaafka madaxda Maamulka Galmudug, balse ay burburiyeen dad uu ku sheegay in aan sharci ku imaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug, Cali Gacal Casir ayaa  laga gudiyay shalay mooshin, kaasoo gacanta loo geliyay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Galmudug, Xareed Cali Xareed ayay wararku sheegayaan inuu aqbalay mooshinka laga keenay guddoomiye, Cali Gacal Casir, inkastoo aanay horay u jirin khliaaf u dhexeeya labada mas’uul.

Xildhibaannada Mooshinka ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ku sababeeyay inuu gabay shaqadii loo igmaday, ayna lagama maarmaan tahay in lala xisaabtamo.

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Galmudug, Xareed ayaa sheegay in xildhibaano tiradoodu ku dhawdahay 90-xubnood ay ka keeneen mooshinka guddoomiyaha ayna tahay sharci in laga doodo maalmaha soo socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*