Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Puntland oo Geeriyooday

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa maanta oo sabti ah ku geeriyooday magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Allaha u naxariistee Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa sida la sheegay waxaa ku soo booday xanuun de deg ah, kaas oo ugu dambeyn u geeriyooday.

Marxuum Cabdirashiid ayaa kamid ahaa Xildhibaanadii ugu horeeyay ee Puntland lagu asaasay, wuxuuna Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland soo noqday intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2013.

Sidoo kale wuxuu Wasiirada Howlaha guud iyo Kulluumeysiga Puntland ahaa intii u dhaxeysay 2014 iyo 2018.

Marxuum Cabdirishiid Maxamed Xirsi  ayaa Aas qaran loogu sameyn doonaa magaaladda Garowe ee xarunta Puntland.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.