Guddoomiyaha G/Shabeellaha Hoose Oo ka hadlay Xaaladda Ammni ee degmada Awdheegle

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo la hadlayay Shacabka ku nool deegaannadi dhawaan laga  saaray Al-shabaab ayaa sheegay in maamulku uu deegaannadaas gaarsiin doonno adeegyada bulshada.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in degmada Aw-dheegle iyo deegaannada ku hareereysan oo Ciidamada Qalabka sida ay Al-shabaab ka saareen ay geyn doonaan Raashinka nuucyadiisa kala duwan, isagoo sheegay in mashaariic horumarineed ay ka fulin doonaan deegaannadaas.

Guddoomiye Najax ayaa xusay in dib ay u furi doonaan Isbitaalka degmada Aw-dheeegle iyo Iskuuladii muhiimka u ahaa horumarinta Waxbarashada degmada iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Ciidamada Xooga ayaa dhawaan ka saaray deegaanno  ka tirsan gobolka Shabeellaha Al-shabaab , waxaana hadda socda howlgallo xoogan oo lagu sugayo ammniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.