Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Jabuuti Oo Soo Gaaray Muqdisho + Sawirro

Waxaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho guddomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo wafdi uu hogaaminayo,iyadoo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti waxaa soo dhaweeyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa lafilayaa in uu ka qeybgalo kulanka xildhibaanada Golaha Shacabka,islamarkaana uu lakulmi doono mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Jabuuti uu soo gaari Soomaaliya,balse waxaa horey u yimid guddoomiyihii hore Iriris Arnaud Cali.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa shalay xarunta Golaha Shacabka ka sheegay in 23-ka bishan oo maanta ku beegan uu Muqdisho soo gaarayo Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*