Golaha Shacabka BFS Oo Si kulul uga Hadlay Tallaabadii Donald Trump ee Magaaladda Qudus + Dhageyso

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari  Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u hadlay tallaabadii Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka ugu aqoonsaday in Magaalada Barakeysan ee  Qudus ay tahay Caasimadda Maamulka Yahuudda.

Guddoomiye Jawaabi oo kulankii Xildhibaanada ee maanta ka hor jeediyay qudbad uu ku garab istaagayay qadiyada Muslimiinta Falastiin oo Caasimadooda loogu aqoonsaday iney caasimad u noqoneyso Taliska Maamulka Yahuudda ee heysta inta badan Magaalooyinka dhulkaasi.

Jawaari ayaa qudbadiisa waxa uu ku sheegay in Soomaaliya iyo Muslimiinta aysan marna gorgortan ka geli doonin in Quduz Caasimad ay u aheyd una ahaan doonto Shacabka iyo Dowlada Falastiin.

“Soomaaliya iyo Muslimiinta marna gor gortan ka gali meyso lahaanshiyaha Qudus, Qudus waa magaalo ku taalo dhulka falastiin waana magaalo ay leeyihiin muslimiinta oo dhan mana loo dulqaadan doono muranka ka taagan Qudus” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Jawaari ayaa intaasi ku daray in Magaalada Barakeysan ee Quduz ay mareyso waayaheedii ugu xumeyd isaga oona sheegay in go’aanka Mareykanka uu Magaaladaasi ugu aqoon Caasimada Yahuudda iney noqon doonto uu Mareykanka qaadan doono cawaaqib walbaa oo ka dhalata go’aankaasi.

Guddoomiye Jawaari ayaa faray Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha shacabka inay qaraar ka soo diyaariyaan arrinta Qudus, markaas kaddibna qaraarka la horkeeno Baarlamaanka, si ay aragti uga qaataan.

waxaa uu sheegay in sumacada Mareykanka ay hoos u dhacday, madaxweynaha mareykankana ugu baaqay inuu ka laabto go’aan kaasi aan soo jiidan shucuubta Muslimiinta caalamka.

Madaxweynaha mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Magaalada Barakeysan ee Quduz ay Caasimad u noqon doonto Maamulka Yahuudda, balse arintaasi ayaa waxaa ka carooday muslimiinta caalamka kuwaa oo gabi ahaan tooda si mideysan go’aan geesinimo leh uga qaatay arintaasi iney tahay mid lagu bur burinayo  goobaha barakeysan, banaan baxyo dhiig ku daatayna ka dhigay caalamka oo idil.

Dhageyso:- codka Guddoomiye Jawaari oo dhameystiran

 

110321_001

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*