Gen.Odawaa”Rag ka tirsan Al-shabaab ayaan ku qabanay weerarkii Awdheegle”

Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ayaa maanta barqadii weerar Qaraxyo ki bilawday ku qaaday Saldhigga Ciidanka Xoogga dalka ee degmada Awdheegle gobolka Shabeellaha Hoose .

Taliyaha Ciidanka Lugta General Yuusuf Raage Odawaa oo lahadlay Warbaahinta Dowladda  ayaa sheegay in degmada Owdheegle yaaliin  meydadka raggii weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa Al-shabaab.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Rag ka tirsan  Al Shabaab ay ciidamada Dowlada ku qabteyn degmada Awdheegle ee uu wararka ka dhacay..

Ciidamada Xoogga dalka ayaa dhawaan  Al-Shabaab kala wareegay degmada Adheegle, waxyan weeraro xoogan kala kulmayeen malmihii aynu ka soo gudubnay dagaalyahano ka tirsanAl-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.