Garsoore Abdulqawi oo Loo Magacaabay Madaxweynaha Maxkamadda Hague

Garsoore Abdulqawi Ahmed Yusuf oo Soomaali ah ayaa loo doortey madaxweynaha Maxkamada Caalamiga ee Caddaaladda ee (ICJ)oo ku taalla magaalada Hague ee dalka Netherlands.

Maxakamadaan oo hoos timaadda Qaraamada Midoobey ayaa saddexdii sanno hal mar waxay doorata madaxweyne.

Madaxweynahaas oo laga soo dhex doorta Garsoorayaasha dhexdooda, waxaana loo doorta shakhsiga hela aqalabiyada codadka Garsoorayaasha maxakamadu, doorashaduna waa qarsoodi (secret ballot).

Garsoore Abdulqawi oo maAnta ka hor ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maxkamada ayaa Garsoorayaasha Maxkamada u garteen inuu yahay shakhsi hadda u qalma inuu Maxkamada ka noqodo Madaweyne.

Abdulqawi waa garsoore Caalami ah oo Addunyada aad looga yaqaan. Wuxuu mas’uuliyad kala dudwan ka soo qabtey UNESCO, UNIDO, iyo UNCTAD intuusan ku soo biirin Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada February 6, 2009.

Judge Abdulqawi wuxuu ka soo baxey Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Ummada Soomaaliyeed oo xarunteedu tahay Magaalada Muqdishu.

Sidoo kale wuxu Doctor International Law ka qaatey Jaamacada Geneva ee Switzerland,Judge Abdulqawi wuxuu Guest Professor ka yahay Jaamacado ku yaal Switzerland, Italy, Greece iyo Fransiska.

Safiirka Soomaliya ee Wadamada Benelux iyo Midowga Europe Danjire Dr. Cali Saciid Faqi ayaa doorasha Garsoore Abdulqawi ku tilmaamay inay tahay magac iyo sharaf weyn u soo hooyatey ummada Soomaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*