Galmudug Oo War Ka Soo Saartay Nolasha 70 Oday Oo Al Shabaab Gacanta Ku Heyso + Dhageyso

Masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug ayaa war kasoo saaray halka ay ku danbeeyaan 70 oday oo Ciidamada Al shabaab ay ka wateen deegaano hoos yimaada magaalada Guriceel ee gobalka galgaduud.

Mursal xeefoow oo kamid ah masuuliyiinta Galmudug oo la hadlay Idaacada Simba ayaa faah faahin ka bixiyay sababta keentay Al shabaab iney afduubtaan odayaashaasha, waxuu sheegay arinta la xiriirta odayaasha iney salka ku heyso aano qabiil oo dhax taalay laba beelood oo halkaasi wada daga, kadib markii ay isku qabteen sidii xal looga gaari lahaa arinta labada beel ka dhax alooolsan.

Mudane Xeefoow ayaa waxuu sido kale sheegay in mid kamid ah beelaha aanada qabiil ay dhax taalay ay u dacwoodeen Al shabbaab, waxii xiligaa ka danbeeyay ayuu musral sheegay Al shabaab iney u cuntami weysay arintaasi in la xaliyo, iyadoo aysan ka war qabin hogaanka Al shabaab ee Galgaduud.

Mar wax laga weydiyay Mursal xeefoow waxa kaga qorsheysan maamulka Galmudug ayuu sheegay ineysan awood u laheen wada hadal ay la galaan Al shabaab, maadaama dagaal uu dhax taalo, lakin waxuu sheegay in odayaasha dhaqanka loo diray si xal buuxa loogu helo nabad galyada odayaashaasi.

Dhageyso Codka: Masuul Mursal Xeefoow

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*