Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhaliilay dowladda Turkiga inay mashaariicdooda Soomaaliya ku ekeeysay Xamar iyo xayndaabkeeda, islamarkaana aan la gaarsiinin deeganada Maamulka puntland.
Madaxweyne C/wali maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu safiirka Turkiga ee Soomaliya kula kulmay Magaalada muqdisho ee caasimada Somaliya oo uu u sheegay inay mashaariicdooda gaarsiyaan deeganada maamulka Puntand isagoo sheegay madaxweynuhu inuu xasuusiyay safiirku inay horey u balanqaadeen in hay’addooda xarumarinta ee TIKA xafiis weyn ka furanayso Puntland.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa sheegay in Turkiga loo baahan yahay inuu si isku dheeli tiran u tababaro ciidamada Soomaaliya, maadaama haatan ciidamada ay tabarayaaan ay yihiin ciidamadii ku sugnaa Xamar iyo tiro yar oo laga keenay Gobolada Bay iyo Gedo ee Koonfur dalka Soomaliya.