Gaari ay leeyihiin Ciidamada Amisom Oo Ku Gubtay Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Kolonyo gadiid oo la sheegay in ku socdaalayeen agagaarka isgoyska km4 ayaa waxa la sheegay in mid kamid ah gadiidka ciidamada amisom uu qabsady dab xoogan.

Dabka ayaa la sheegay in uu ka dhashay gudaha gaariga oo xiligaa ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa amisom.

Taliyaha Booliska qeybta Waliyow Cadde Gaashaanle Sare Maxamed Daahir Cabdulle oo warbaahinta kula hadlay goobta uu gaariga dabka ku qabsaday ayaa sheegay in uusan qarax gaariga haleelay uusna jirin islamarkaana Gaariga ay cilad ku timid sidaana uu ku gubtay.

Taliyaha ayaa tilmaamay in dabka gaariga qabsaday uusan qasaare gaarsiin ciidamadi saarnaa balse gaariga uu gabi ahaanba gubtay.

DAAWO SAWIRADA GAARIGA OO GUBANAYA

Image may contain: outdoor

Image may contain: one or more people and outdoor

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*