Farmajo oo Sheegay in Dowladiisu ay Ka Shaqeyn La’dahay Mucaarad+Dhageyso

 

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo),ayaa sheegay in dowladiisu ay ka shaqeyn la’dahay mucaarad tageero ka heysta dowladdo shisheeye.

Isagoo ka hadlay kulanka ka dhacay magaaladda muqdisho ayuu sheegay In Mucaaradka haatan dalka ka jira uu yahay mid wax duminaayo,islamarkaana dowladiida ay la kulmayso cadaadisyo badan.

Sidoo kale waxa uu sheegay Beesha caalamka in loo tago oo lagu dacweeyo dowladda Somaliya, taasi inay tahay arrin lagu curyaaminaayo dowladnimada Somaliya, balse aysan aheyn mucaaradnimo.

“Markii laga hadlaayo dowladnimada dhan in geedka jirida loo gooyo oo loo diido xasilooni, oo la bilaabo waxyaabaha aan naqaano oo qalalaase Siyaasadeed iyo Khilaafaad oo laga hadlo dowladda oo dhan in la bedelo oo loo tago Beesha caalamka oo lagu dacweeyo, taasi waxa weeye dumin ee ma’ahan Mucaarad iyada lafteeda waa caqabadaha na haysta.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.