Farmaajo Oo War Kasoo Saaray Dhimashada Saraakiil Iyo Askar Laga Dilay Dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Taliyihii, Abaanduulihii iyo askar ka tirsan Qaybta 12-ka Abriil ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday meel u dhaw deegaanka Dhanaane ee G. Sh/ Hoose.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen Taliyihii Qaybta 12-ka Abriil Marxuum Janaraal Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Marxuum Janaraal Cabdi Cali Jamaame iyo geesiyaashii kale ee la shahiidey.”

“Labada Janan iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa Xoogaga Al shabaab” ayuu yiri Madaxweynaha

Al shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada Qaraxaasi lagu dilay Askarta Iyo Saraakiisha Sar Sare.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*