Farmaajo oo Ciidamada Ugu Baaqay ina U Diyaar garoobaan Dagaalka Al-shabaab+Dhageyso

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer kadis ah ku tagay Dugsiga Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Janaraal Gordon ayaa sheegay in dowladdu ay dejisay qorsheyaal muhiim u ah dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha waxa uu hadal u jeediyey Guutada 14-ka Oktoobar ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ku bogaadiyey Saraakiisha Soomaaliyeed ee u istaagay in ay soo saaraan geesiyaal dhallinyaro ah oo ay ka go’antahay xoreeynta dalka iyo in ay shacabka Soomaaliyed ka dul qaadaan dhibaatada ay ku hayaan Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhiirri geliyey ciidanka tababarka dhameystay in ay u diyaar garoobaan hawlgallada dhawaan bilaabanaya ee lagula dagaalamayo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ee ku sugan Goboladda dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*