Faah-faahin:-Xubno Ka Tirsan Al-shabaab oo Lagu Qabtay Magaaladda Muqdisho

Ciidamadda Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee (NISA) ayaa gacanta ku dhigay Xubno ka tirsan Xarakaddda Al-shaabab.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay in howlgal laga sameeyay xaafadd kamid ah magaaladda Muqdisho uu fududeeyay in gacanta lagu soo dhigo xubnaha ka tirsan Al-shabaab.

Hay’adda NISA ma aysan shaacanin Magacyadda Xubnaha gacanta lagu soo dhigay.

“7da Sabtembar, howlgal ayaa ciidanka amnigu kusoo qabteen rag Al-Shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada muqdisho ka fuliyaan, Ciidanka amnigu waxay naftooda u huraan soo qabashada ragga shabaab ah ayagoo khatar ku ah shacabka”.ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hay’adda Nabadd Sugidda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*