Faah faahin Xoogaga Al shabaab Oo Lagala Wareegay Deegaano Iyo Ciidamo ku Qul Qulaya Halkaasi

Cutubyo katirsan ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa howlgalo ka dhan ah Xoogaga Al Shabaab kawada qeyb kamid ah Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Sooomaaliya.

Ciidamada ayaa Howgalkan ka sameeyay dhulka miyiga ah kaas oo dhanka Koofureed ka xiga Degmada Gurceel waxaa si-isku mid ah u fulinaya Ciidamo huwan ah.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in deegaano badan oo Al shabaab gacanta ay ku hayeen lagala wareegay, kadib amar kasoo baxay Xafiiska laga hago Howladaas oo laga furay Deegaanka Ceel Qorax oo 40 KM dhanka Koofureed ka xiga Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud.

Dhanka kale Saraakiisha hogaamineysa howlgalka ayaa sheegay in Ciidamada Al shabaab laga saari doono deegaano iyo degmooyin katirsan gobalka.

Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay Xarakada oo la xiriira wararka sheegaya in lagala wareegay deegaano saraakiisha ciidamada Xooga aysan shaacinin magacyada deegaanadaasi ay la wareegen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*