Faah-faahin:-Xildhibaano Ka Badbaaday Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho+Khasaaraha

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxii barqanimadii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Koontarool Ciidamadda Dowlada ay ku leeyihiin agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon, Degmada Boondheere ee Gobolka banaadir.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay 5-ruux oo kala ah askar ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dad barakacayaal ah oo daganaa kaamam ku dhow Taalada Daljirka Daahsoon.

Askarta qaraxaan ku dhintay waxaa kamid ah Faay Cali Raage, oo ahayd Sarkaal sare oo ka tirsaneyd ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana la sheegay in wadatay gaari Cabdile ah xiliga uu qaraxa dhacay goobta.

Dhanka kale waxaa la xaqiijiyay In qaraxan ay ka badbaadeen laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo kala ah Xildhibaan Maryan Cariif iyo xildhibaan C/kariin Shabeel, Xildhibaan Shabeel waxa soo gaaray dhaawac fudud,halka Maryan Cariir ay ku haysay askari ilaalo u ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.