Faah-faahin:-Toogasho Caawa Ka Dhacday Magaaladda Muqdisho

Sarkaal ka tirsanaa Qeybta Baarista ee Booliska Dowladda Soomaaliya ayaa caawa maqribkii waxaa lagu dilay Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan meel aan ka fogeyn xarunta Degamdda.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Xasan Dheere Wuxuuna ka howlgali Jiray Xarunta Danbi Baarista ee CID-da sida goob-joogayaal ay inoo xaqiijiyeen.

Dilka Sarkaalka waxaa fuliyay kooxo hubeysnaa oo durbadiiba goobta isaga baxsaday,waxaana daqiiqado kadib goobta gaaray Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya

Majirto wali cid sheegatay dilka Sarkaalkan ka tirsanaa Ciidanka Booliska qeybtooda barista.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*