Faah-faahin:-Sarkaal Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya oo Isku Day Dil Ka Badbaaday

Qarax Miino oo dhulka lagu aasay ayaa maanta ka dhacay xaafadda Foorilow oo ka tirsan duleedka Magaalada Muqdisho.

Jugta qaraxaan ayaa si weyn loogu maqlay xaafadaha Duleedka Magaaladda Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay gaari uu la socday Sarkaal ka tirsan Ciidmadda booliska Dowladdda Federaalka Soomaaliya.

Sarkaalka qaraxa lala eegtay, ayaa lagu magaacaabaa Cabdi Shooshow, wuxuuna ka mid yahay Saraakiisha ciidamada Booliska ee Muqdisho ka hawlgala.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhaawacmay hal ruux oo wadadada marayay, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa oo ay ku dhinteen dhammaan dadkii la socday gaariga la beegsaday.

Shabaab waxa ay sheegeen in ay beegsadeen Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka gobolka banaadir ee Dowladda Soomaaliya,islamarkaana gabi ahaan ay goobta ku dileen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*