Faah-faahin:-Qarax Xalay Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Wararka ka imaanaya xaafadda Suuqa Xoolaha ee waqooyiga Muqdisho ayaa sheegaya in la weeraray saldhigyo ciidan oo ku yaal halka loo yaqaan Biya degeen-ka suuqa xoolaha.

Goob joogayaal ayaa idacadda Simba u sheegay in markii hore ay maqleen qarax kaas oo la sheegay inuu ahaa miinada dhulka lagu aaso kadib markii lala eegtay gaari dagaal oo ay ciidamada dowlada leeyihiin oo halkaasi marayay.

Dadka deeganka ayaa sheegay qaraxa kadib  inay xigtay rasaas xooggan oo ay fureen ciidamadiii qaraxa lala eegtay kuwa kale oo usoo gurmaday inkastoo an laga warheynin khasaaraha ay geysteen rasaasta ay ciidamadu fureen.

War lagu qoray bogaga Alshabaab ay leeyihiin ayaa lagu baahiyay in ay iyagu kadambeeyeen qarixii Suuqa Xoolha oo ay ciidamadu la eegteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*