Faah-faahin:-Qarax Lagu Weeraray Xarunta Degmada Hodan+Sawirro

Faah-faahino ayaa laga helayaa qarax ismiidaamin ahaa oo lagu weeraray Xarunta Degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxaan ayaa gil-gilay magaalada oo dhan, waxaana cirka isku shareeray qiic iyo uuro markuu dhacay kadib.

Sida uu soo sheegayo wariyaheena, qaraxaan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay qeybaha hore ee Xarunta Degmadda hodan,waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxa degmada Hodan.

Dhanka kale goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka iyo kooxaha Caafimaadka waxaana socda gurmad.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*