Faah-faahin:-Qarax Labaad oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo duhurnimadii maanta ka dhacay Degmadda Dharkinley ee Gobolka banaadir.

Qaraxaan ayaa ka dhacay wadada ka timaada Isgoyska Xoosh ee toos u gasha Ex-Controol Afgooye.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal qaraxaan ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen Ciidamo Boolis ah oo maraayay halkaas.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay hal ruux oo shacab ahaa oo marayay wadada,waxaa sidoo kale dhaawacmay askari ka tirsan Dowladda soomaaliya.

Qaraxa kadib ciidamadda dowladda Soomaaliya,ayaa furey rasaas fara badan taas oo aan geysan wax khasaaro ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.