Faah-faahin:-Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Goof-gaduud+Dhageyso

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino oo Barqanimadii maanta ka dhacay Deegaanka Goof-gaduud buureey Duleedka Magaaladda Baydhabo ee Gobolka baay.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Suuq Xoolaha lagu iibiyo oo ku yaala Deegaanka Goof-gaduud Buureey.

Inta la xaqiijiyay 40-ruux ayay dhaawacyo kala duwan ay kasoo gaareen qaraxa, 5-kalana way ku dhinteen.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Nuurdiin Abuukar Gacma oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in qaraxa ay ka dambeeyeen Al-shabaab.

Waxa uu sheegay afhayeenka in dadka shacabka ah ee qaraxa ku dhaawacmay loosoo qaaday isbitaalka Magaaladda Baydhabo.

“Qarax miino ayaa barqanimadii maanta ka dhacay Suuqa Xoolaha lagu iibiyo oo ku yaala Deegaanka Goof-gaduud Buureey oo 28-KM u jira Magaaladda baydhabo, Ragii Shabaab ahaa ayaa goobta galiyay, xiliga uu qaraxa dhacayay suuqa mashquul badan ayaa ka jirey,waxaa ku dhimatay 5-ruux oo ahaa dadkii suuqa ganacsiga u yimid 40-kalana way ku dhaawacmeen, dhaawacyadda waxaa loosoo qaaday isbitaalka magaaladda baydhabo”, ayuu yiri Afhayeenka Koonfur Galbeed Soomaaliya Nuurdiin  Gacma.

Ma jiro cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda qaraxaan ka Dhacay Suuqa Deegaanka Goof-gaduud buureey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.