Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

 

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari lagu xiray oo saakay ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ka dhacay agagaarka dhismaha Cusub ee Saldhiga Degmada Waaberi ee Gobolka banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyen goobjoogayaal qaraxa oo gaari ku xirnaa ayaa qarxay,waxaana ku dhaawacmay hal ruux oo Dukaan ku lahaa goobta.

Dhanka kale Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaana socda baaritaano.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.