Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari lagu dhajiyay oo barqanimadii maanta ka dhacay Magaalada muqdisho.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Isgoyska Tarabuunka Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal gaariga qarxay ayaa ahaa kuwa raaxadda ah,waxaana ka badbaaday ruuxii watay.

Inta la xaqiijiyay labo ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay qaraxa,waxaana loo qaday goobaha caafimaadka magaaladda muqdisho.

Dhanka kale Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Ilaa haatan lama oga shaqsiga la doonayay in qaraxaan lagu dilo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.