Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Degmada Hodan

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii maanta ka dhacay Isgoyska Black Sea ee Degmada Hodan.

Qaraxaan oo dhulka ku aasnaa ayaa ka dhacay Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Somtell faraceeda isgoyska Black Sea ee Degmadda Hodan.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa ku sugnaa Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya,waxaana jira khasaare.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhimatay, qaraxaan,waxaana ku jira mid kamid ah shaqaalaha Shirkadda.

Shaqaalaha Shirkaddaha Dahabshiil & Somtel ayaa todobaadkaan digniin loo jeediyay taasi oo ku aadan, in aysan soo xaadiri Karin.

Kooxda Daacish ayaa digniintaas u jeedisaday Shaqaalaha Shirkaddaha Dahabshiil & Somtel,waxaana laga doonayaa lacago.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.