Faah-faahin:-Qarax iyo Dil Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax iyo dil ka dhacay magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomalia.

Qarax Miino oo dhulka lagu aasay ayaa galabnimadii maanta ka dhacay nawaaxiga xero Shiino oo u dhow Xeradii hore ee Shiirkole Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay wiil dhalinyaro ahaa oo ardey ahaa,waxaa sidoo kale ku dhaawacamay qof kale.

Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaiya ayaa goobta gaaray,waxaana goobta laga qaaday meydka wiilka ardeyga ahaa.

Dhanka kale kooxo hubeysnaa ayaa caawa qof shacab ahaa waxa ay ku dileen meel ku dhow saldhiga Degmadda Kaaraan Ee gobolka Banaadir.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba u sheegay in dhalinyaro hubeysnaa ay fuliyeen islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.