Faah-faahin;-Nabadoon Lagu Dhex Dilay Masaajid Ku Yaala Muqdisho

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysnaa oo caawa Nin Nabadoon ahaa ku dilay Magaaladda Muqdisho.

Dilkaan ayaa ka dhacay gudaha masaajid ku yaala Xaafadda jungal Degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allahha u naxariistee Nabadoon Ibraahin Cariif waaxaana lagu dilay masaajidka Sheekh Xasan Cadde ee xaafadda Juungal.

Ala ha u Naxariistee Nabadoonka ayaa xiliga la dilayay waxa uu aqrinayay kitaabka Qur’aanka,waxayna kooxihii hubeysnaa ee fuliyay dilka ay ka baxsadeen goobta.

Ilaa haatan lama oga sababta ka dambeysa dilka Nabadoonka loo geystay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.