Faah-faahin:-Maxamed Gaab oo Caawa Lagu Dilay Degmadda Holwadaag

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil caawa ka dhacay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dilkaan ayaa ka dhacay degmada Howl-wadaag Xaafada Cali Caliyow gaar ahaan agagaarka Masjidka la yiraahdo Furqaan.

Qof kamid ah dadka degmadda ayaa idaacada Simba u sheegay in kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ay fuliyeen dilka ninka odeyga ahaa kaasi oo lagu magacaabi jirey Maxamed gaab.

Ilaa haatan lama oga sababta loo dilay ninkaas,balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu kamid ahaa bahda ciyaaraha Degmadda Holwadaag.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.