Faah-faahin;-Mas’uul Ka Tirsanaa Maamulka Gobolka Hiiraan oo Caawa la Dilay

Wararka ka imaanaya Magaaladda Baledweyne ee Gobolka hiiraan ayaa ku waramaya in kooxo hubeysnaa ay caawa magaaladaas ku dileen mas’uul ka Tirsanaa  Maamulka Gobolka Hiiraan.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Holwadaag Agaagaarka Aargada sheikh xasan Barsame ee Magaaladda Beledweyne Gobolka Hiiraan.

Mas’uulka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Cismaan Cali maadeey oo loo Cismaan Ganeey,wuxuuna kamid ahaa Shaqaalaha Maaliyadda gobolka Hiiraan.

Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa goobta isaga baxdaday,waxaana goobta gaaay Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.