Faah Faahin: Maleeshiyaad Toogtay Qof Sahacab Ah Iyo Xiisad Ka Taagan Bariga Magaalada

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helaya maleeshiyaad hubeysan oo bariga Gaalkacyo ku dilay qof rayid ahaa.

Xiisad kacsanaan ah oo ka dhalatay dilkaasi ayaa maanta laga dareemayaa bariga Gaalkacyo, halkaasi oo lagu arkayo maleeshiyaad kala taabacsan maamulada galmudug iyo Puntland.

Sarakiil iyo ciidamo katirsan kuwa isku dhafka ee ka howlgala Gaalkacyo ayaa ku baxay xiisadaasi, inkastoo wali aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamadaasi hogaamineysa.

Wararkii ayaa sheegaya in xiisad kacsanaan ah laga daremayo halkaasi oo dadka deegaanka ay ka baqayaan in halkaasi uu ka dhaco iska hor imaad u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*