Faah-faahin:-Macalin Dugsi Qur’aan oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

Kooxo hubeysnaa ayaa saakay magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxa ay ku dileen Macalin dhigayay dugsi qur’aan

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Buundooyinka ee Degmada Waaberi ee Gobolka banaadir.

Sida ay inooo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa fuliyay dilka,waxaana macalinka lagu dilay afafka hore Dugsi Qur’aanka uu ku sugnaa.

Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in arintaan ay fajac ku noqotay dadka deegaanka,islamarkaana  kooxihi dambeeyay dilka ay goobta ka baxsadeen.

Amniga Mgaaladda muqdisho ayaa faraha ka baxay waxaana maalmihii dambe lagu dilay shaqsiyaad dhowr ah, oo dowladda u shaqeynayay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.