Faah-faahin:-Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalka Ka Socda Deegaanka Xiraale

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo xalay ilaa saakay ka socda Deegaanka Xiraale ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalkaan ayaa u dhaxeeya Ciidamadii Ahlusuna ee ku biiray Maamulka Galmudug iyo maleeshiyaad ku sugnaa mudooyinkii dambe deegaanka Xeraale.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka Ciidamadii ahlusuna ee ku biiray Galmudug ayaa dagaalka kusoo qaaday deegaanka,dagaalka ayaa soo bilowday habeenkii xalay ahaa wuxuuna socda ilaa haatan.

Wararka ugu dambeeyay ee Xeraale ayaa sheegaya in dhimashadu gaartey 8 qof oo ay ku Jiraan horjoogayaal ciidan, waxa uu dagaalku u wareegey Jidhada bari ee Deegaanka.

Dhinacyada daagalamaya ayaa helaya gurmad ciidan iyadoo xiisado kale laga soo sheegayo Deegano Ka fog Xeraale.

Dhanka kale Madaafiic ayaa ku dhacday Xaafadaha Deegaanka Xiraale ee Gobolka Galgaduud balse lama ogaanin khasaaraha ka dhashay.

Maamulka Galmudug garabka Magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Deegaanka Xiraale.

Wixii kusoo kordha kala soco Simbanews.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.