Faah-faahin:-Ilkacase oo Maanta Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

Kooxo hubeysnaa ayaa saakay Xaafadda Baar Ubax ee Degmada Hawlwadaag, gaar ahaan meel ku dhaw Masaajidka Xareed waxa ay ku dileen mid kamid ahaa shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Somtell ee Magaaladda  Muqdisho.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Axmed (Ilkacase), ayaa la sheegay in ay dhac u geysan rabeen rag hubeysnaa islamarkaana uu diiday in uu dhiibo Mobil gacanta uu xiligaas watay.

Waxaa la sheegay in kooxihii hubeysnaa ay midi la dhaceyn islamarkaana uu goobta ku dhintay islamarkiiba.

Dhanka kale Kooxo hubeysnaa ayaa saakay Degmadda Hodan ee Gobolka banaadir, waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa oo la sheegay in isagana ay dhac u geysan rabeen.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*