Faah-faahin:-Ganacsade Salaad Cabdi Cukaash oo Lagu Dilay Boosaaso

Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Magaaladda Boosaaso ee Gobolka bari waxa ay ku Dileen Nin Ganacsade ahaa.

Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabi Jirey Salaad Cabdi Cukaash,wuxuuna xisaabiye u ahaa shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Horseed.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay ganacsadaha xili uu kasoo baxay Masaajid ku yaala xaafadda Raf&Raaxo ee Magaalada Boosaaso.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda Dilkaan Ganacadaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*