Faah-faahin:-Ganacsade Abshir Muxudiin oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

 

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafada Kaawo Godey ee degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay Ganacsade si weyn loogu yaqaanay Xaafadda,islamarkaana Maqaayadd lagu cunteeyo halkaas ku lahaa.

Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Abshir Muxudiin.

Kooxihii dambeeyay dilka ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana goobta gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo goobta ka sameeyay baaritaano.

Magaaladda muqdisho waxaa mudooyinkii dambe kusoo batay dilalka qorshaysan ay geysanayaan ragga hubeysnaa,waxaana inta badan sheegta Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.